HomeAll newsKudhawaad 10 ruux oo ah Saraakiil iyo Shaqaale katirsan dowladda oo ku...

Kudhawaad 10 ruux oo ah Saraakiil iyo Shaqaale katirsan dowladda oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay saraakiil iyo xubno muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa wuxuu si gaar ah u bartilmaameedsaday goob muhiim ah oo lagu magacaabo Baar Banaadir, halkaas oo u dhow xarunta gaobolka Banaadir, waxaana xilliga la beegsanayay goobta ku sugnaa saraakiil iyo xubno katirsan dowladda federaalka.

Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya dhimashada 8 sarkaal oo katirsan qeybaha Sirdoonka iyo shaqaalaha dowladda federaalka, kuwaas oo goobta ku sugnaa xilliga uu qaruxu dhacayay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha adag gaarsiiyay dowladda federaalka.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii hore sidaan oo kale qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa lala eegtay goob lagu magacaabo ‘Baar Itaaliya’ oo ku taalla agagaarka xabsiga Godka Jilacow, halkaas oo lagu dilay 7 sarkaal oo uu ku jiray taliyihii hore ee xabsigaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular