Wararka ka imananaya dalka Yaman ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay saraakiisha ugu sarreysa malleeshiyaadka Xizaamul amniga ee hoostaga dowladda Imaaraadka carabta.
Qarax oo aad u xoogan oo ah noocyada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxa malleeshiyaadka Xizaamul amniga, kuwaas oo marayay qeybo kamid ah gobolka Abyan.
Wuxuu haleelay qaruxu gaari nooca dagaalka ah oo ay malleeshiyaadku wateen, halkaasna waxaa ka dhashey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 4 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxa, halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana ka badbaaday taliyaha malleeshiyaadka Xizaamul amniga.
Mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca ee ka dagaallama dalka Yaman ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxaana Mujaahidiinta ay si wadajir ah u wajahayaan Maraykanka, Xuuthiyiinta, Taxaalufka carbeed iyo xitaa malleeshiyaadka xukuumadda taagta daran ee Cabdi-rabbi Haadi Mansuur.