HomeAll newsKhasaaraha ka dhashay Qarixii Xamarweyne oo aad u kordhay.

Khasaaraha ka dhashay Qarixii Xamarweyne oo aad u kordhay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo aad u farabadan ayaa ka dhashay qarax weyn oo maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, kaas oo lala eegtay saraakiil iyo xubno muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Baar Banaadir oo u dhow xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana xilliga la beegsanayay ku sugnaa xubno muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho, ayaa khasaaraha dhimasho ee ka dhashay waxay gaartay ugu yaraan 20 ruux, oo dhamaantooda ah saraakiil katirsan qeybaha Sirdoonka, milliteriga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Gaashaanle Sare Cabdi Nuur Axmad Kadiye oo ka tirsanaa saraakiisha Military-ga dowladda ayaa kamid ah dadka ku dhintay qaraxan, waxaa sidoo kale dadka magacyadooda la helay kamid ah Muxiyidiin Macoow iyo Cabdullaahi Yare oo katirsanaa saraakiisha Nabad-sugida ama Sirdoonka dowladda federaalka.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee aadka u kordhay, waxaa jira burbur hantiyadeed, kaas oo gaaray saraakiisah dowladda federaalka oo goobta looga gubay gawaari badan oo nooca raaxada ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii ballaarisay weerarada ay magaalada Muqdisho kula beegsaneyso xubnaha iyo saraakiisha dowladda federaalka, kuwaas oo magaalada ka la’asan meel ay ku shaaheeyaan ama aya isugu yimaadaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular