HomeAll newsInkabadan 20 Askari Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo...

Inkabadan 20 Askari Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo ka dhacay Jubbooyinka.

Qaraxyo waaweyn ayaa lala eegtay kolonyo gawaari  ciidamada Kenyaati ah oo ku safrayay qeybo kamid ah wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.

Wararka ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa sheegaya in labo qarax oo culus lala helay gawaari  ciidamo Kenyaati ah saarnaayen oo marayay inta u dhexeysa Afmadow iyo Dhoobley oo katirsan wilaayada Jubbooyinka.

Labo gaari ayaa goobta lag gubay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday 25 askari oo Kenyaati ah, warar ay heleyso Alfurqaan ayaa sheegaya in 10 askari ay dhinteen, halka inta soo hartana ay dhaawacmeen.

Dhawaanahan, wadada isku xirta Dhoobley iyo Afmadow waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo waaweyn oo lala eegtay ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmad Madoobe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular