HomeAll newsImaam Masjid iyo Ardeydiisa oo ay Maraykanku ku dileen Afqaanistan.

Imaam Masjid iyo Ardeydiisa oo ay Maraykanku ku dileen Afqaanistan.

Ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisa duulaanka ku jooga wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa halkooda ka wada gabood fallada ka dhanka ah muslimiinta, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ee lasoo wariya ay tibaaxeysaa weerar lagu qaaday masjid.

Ciidamo huwan ah ayaa la xaqiijiyay iney weerar kusoo qaadeen deegaan katirsan gobolka Faraah ee dalka Afqaanistaan, halkaasna waxay ku dileen dhowr ruux, halka ay qafaasheen tiro kale.

Ciidamada huwanta ah ayaa si gaar ah u bartilmaameystay masjid ku yaala deegaanka, kaas oo ay ku cibaadeystaan dadka muslimiinta ah, waxaana xilliga la weeraray masjidka ka socday darsi sharci ah oo uu bixinayay mid kamid ah culimada.

Ugu yaraan 5 ruux oo kala ahaa ardey iyo imaamka masjidka ayaa goobta ku shahiiday, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen ugu yaraan 5 kale.

Ciidamada huwanta ah ee duulaanka soo qaaday ayaa sidoo kale qafaashey, noloshana ku watay 12 ruux oo kamid ah dadka deegaanka, kuwaas oo ay la aadeen saldhigyada ay dadka muslimiinta ku tacdiibiyaan.

Arintan ayaa waxaa ka carooday dadka muslimiinta ah, waxaana falkan lagu tirinayaa dagaal toos ah oo ka dhan ah muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular