HomeAll newsHooyada dhashey Sheekh Waliid As-sinaani oo ku xiran xabsiyada Aala-sucuud oo geeriyootay.

Hooyada dhashey Sheekh Waliid As-sinaani oo ku xiran xabsiyada Aala-sucuud oo geeriyootay.


Allaah u naxriiste, waxaaa dhulka Xarameynka ku geeriyooday hooyada dhashey Sheekh Waliid As-sinaani oo kamid ah culimada Rabaaniyiinta ee xaqqa la jahra, kuna xiran xabsiyada maamulka Aala-sucuud.

Ehelka iyo qaraabada Sheekh Waliid ayaa xaqiijiyay geerida hooyo Ladhiifa Cabdalla oo dhashey caalimka Rabaaniga ee Sheekh Waliid, kaas oo ah maxbuuska ugu waqtiga dheer ee u xiran maaulka dulmiga caanka ku ah ee Aala-sucuud.

Masjid ku yaala magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-sucuud ayaa salaadda Janaazada lagula tuktay Allaah u naxriiste hooyo Ladhiifa, xilli inta nolosheeda ka harsaneyd ay ku taameysay aragtida wiilkeeda oo aysan tobaneeyo sano isha saarin.

Dadka Muslimiinta ayaa baraha bulshada waxay kusoo qorayeen in maamulka Aala-sucuud uu sheikh Waliid u ogolaado inuu ka qeybgalo taczida iyo duugmada hooyadiisa, waxaana muuqata in maamulka Aala-sucuud uu arinkaas dhegaha ka fureystay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular