HomeAll newsGaari Gaashaman oo ciidamada Burundi looga gubay Magaalada Muqdisho.

Gaari Gaashaman oo ciidamada Burundi looga gubay Magaalada Muqdisho.

Qaraxyo xoogan ayaa lala eegtay kolonyo ciidamo Burundi ah oo ku socdaalayay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Labo qarax oo waaweyn ayaa duhurnimadii maanta waxaa lala eegtay gawaari kolonyo ah oo ay saarnaayeen ciidamada Burundi, kuwaas oo marayay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada ayaa dhacay xilli gawaaridu ay marayeen warshaddii hore ee Baastada, waxaana goobta lagu gubay ugu yaraan hal gaari oo gaashaman.

Khasaare isugua jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada Burundi, waxayna in muda ah ay xirteen wadada, si ay u qariyaan khasaaraha gaaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular