HomeAll newsDuqeyn Madaafiic oo lagu garaacay saldhiga Baar-Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Duqeyn Madaafiic oo lagu garaacay saldhiga Baar-Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacay saldhig deegaanka Baar-Sanguuni ay ku leeyihiin ciidamo daacad u ah Maraykanka, kuwaas oo katirsan maamulka Jubbaland.

Mujaahidiinta ayaa dhowr madfac oo cabir saxan ku socday waxay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidan, taas oo keentay khasaare isugua jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyay in 6 askari oo katirsan kuwa maamulka Jubbaland ee uu Maraykanku ku adeegto dhinteen, halka sidoo kale ay toban kale dhaawacmeen.

Xerada ciidan ee madaafiicda lagu garaacay ayaa gubatay, waxaana la arkayay uuro madow iyo qiiq isku shareeray hawada, kaas oo ka dhashey kadib markii ay gubteen teendhooyinka ay ciidamadu ku hoyan jireen.

Dhowr jeer oo hore, waxay Xeradan la kulantay duqeyn madaafiic iyo weeraro toos ah, waxaana ciidamada maamulka Jubbaland lagu soo waramayaa iney qaati ka taaganyihiin sii joogitaanka goobtaas oo ay ku cadaadinayaan ciidamada Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular