HomeAll newsDagaal Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa dowladda.

Dagaal Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa dowladda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka oo ku yaala mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Habeenkii Xalay, ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda kuleeyihiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo in muda ah socday waxaa la isku adeegsaday hub cul culus, taasoo laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Wardhiigley.

Khasaare ayaa la rumeysanyahay inuu jiro, walow aynaan helin faafaahin rasmi ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular