HomeAll newsCiidamada Maraykanka oo dad ku gumaaday dalka Afqaanistaan.

Ciidamada Maraykanka oo dad ku gumaaday dalka Afqaanistaan.

Wararka naga soo gaaraya dalka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa tibaaxaya in ciidamada Maraykanka ay dalkaas ka geysteen gumaad wuxuushnimo oo ay kula kaceen dad shacab muslimiin ah.

Ciidamada Maraykanka oo ay la socdaan saraakiil katirsan xukuumadda Kaabul ayaa weerar habeen guureyn ah kusoo qaaday mandiqadda lagu magacaabo Saarwaan Qalca oo hoosyimaada degmada Sanjiin ee wilaayada Helmand.

Ugu yaraan 11 ruux oo u badan dumar iyo caruur ayaa ku shahiiday weerarkan, halka sidoo kale ay dhaawacmeen 15 kale, waxaana ciidamada Maraykanka markii ay gumaadka geysteen kadib ay isaga tageen goobta.

Ciidamada Maraykanka ayaa dhowr jeer oo hore waxay dalka Afqaanistaan weeraro wuxuushnimo oo noocan ah kula kaceen dadka muslimiinta, waxaaana ku garab siinaya malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular