HomeAll newsAskar katirsan Malleeshiyaadka Xaftar oo lagu dilay Liibiya.

Askar katirsan Malleeshiyaadka Xaftar oo lagu dilay Liibiya.

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar lagu dilay dagaallo ka dhacay koonfurta Liibiya.

Rag hubeysan oo katirsan qabiilka At-tabuu ee diidan Xaftar ayaa dagaal adag ku qaaday deegaan lagu magacaabo Qudwah oo hoostagta magaalada Sabhaa ee dhacda koonfurta Liibya.

Weerarka waxaa lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo katirsan malleeshiyaadka Xaftar, halka sidoo kale lagu dhaawacay 15 kale.

Malleeshiyaadka Xaftar ayaa ku qasbanaaday iney ka cararaan magaalada, dagaalka oo ku adkaaday awgeed, walow markii dambe ay dib ugu laabteen.

Dhawaan ayay ahayd markii Malleeshiyada Xaftar ay ku dhawaaqeen iney la wareegeen magaalada Sabhaa iyo deegaannada hoosyimaada, waxaana deegaannadaas qabaa’ilka dega ay diidanyihiin siyaasadda Xaftar iyo ujeedooyinkiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular