HomeAll newsAMISOM oo ku dhawaaqday Isbedel cusub oo ku aadan dagaalka ay kaga...

AMISOM oo ku dhawaaqday Isbedel cusub oo ku aadan dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.

Ciidamada Shisheeyaha AMISOM ee duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya ayaa inkabadan toban sano kadib waxay ku dhawaaqeen isbedel cusub oo ku aadan dagaalka iyo duulaanka ay ku joogaan wadankeena.

Kulan dhowr maalmood ka socday xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya ayay kasoo saareen go’aanno dhowr ah, kuwaas oo muujinaya sida Shisheeyuhu uga daaleen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ah taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ahna taliyaha ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha cusub ee ay dejiyeen uu dhigayo in mardambe aysan weerar abaabulan oo loo adeegsanayo gaadiidka gaashaaman aysan ku qaadi doonin degmooyinka iyo deegannada ay maamusho Al Shabaab balse ay qaadi doonaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

AMISOM ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in xamlo milliteri oo ballaaran lagu qaado deegaannada Wilaayaadka islaamiga ee ku jira gacanta Mujaahidiinta, si looga baaqsado weerarada miinooyinka iyo kamiinada ah ee lagu baaba’iyay ciidamada iyo gaadiidka AMISOM.

Taas bedelkeeda waxay ciidamada Shisheeyaha isku dayi doonaan iney qaadaan weeraro gaadmo ah oo ku dhufoo ka dhaqaaq ah, taas oo ujeedkeeda ugu weyn uu yahay in la qal qal geliyo shacabka ku nool Wilaayaadka islaamiga, balse aan laga lahayn hadaf ah in dhul lagala wareego Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qorshahan cusub ee ciidamada AMISOM ku wajahi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iskaashanaya waxaa kamid ah in ciidamada lagasoo qaado furimaha ku dhow magaalooyinka ay Mujaahidiintu maamulaan, loona diyaarin doono qaab ay ku yaraynayaan khasaaraha kasoo gaaraya weerarada xoog kugalka Al Shabaab ka imaanaya iyo qaraxyada lagu beegsanayo gaadiidka gaashaaman.

“Qorshaha cusub waxaa ka mid ah in Albaabada la isugu dhufto Saldhigyo badan oo ku yaala gobolada qaar marka ay dalka isaga baxaan illaa 1,000 askari oo ka socda Ciidanka Burundi oo dhamaadka bishan ka baxaya Gobolka Shabeellaha Dhexe” ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa go’aankan qaatay kadib markii ay la kulmeen weeraro waaweyn oo dhabarka ka jebiyay awoodooda, wiiqeyna jiritaankooda, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qaaday silsilado weeraro ah oo lagu soo gebegebeeyay guutooyin katirsan ciidamada Shisheeyaha.

Waxaa intaas dheer, weeraro si joogta ah u qabsada ciidamada Shisheeyaha xilliyada ay isaga gudbayaan deegaannada iyo magaalooyinka ay ka joogaan wilaayaadka islaamiga, arimahaas ayaana keenay isbedelkan jabka ah ee ay qaateen ciidamada AMISOM.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Runtu rabiyay taqan. Kulama ay taktiga dagal wax ka badalan in wax laga badalo walagu qasban yaha talo ururin badana losameyo dadkana wax lagamaqlo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular