HomeAll newsXaaladda Caafimaad ee Sheekha Maxbuuska ah Suleymaan Al-calwaan oo laga deyrinayo.

Xaaladda Caafimaad ee Sheekha Maxbuuska ah Suleymaan Al-calwaan oo laga deyrinayo.

Sheikh Suleymaan Al-calwaan oo kamid ah culimada Rabaaniyiinta ee kuxiran xabsiyada maamulka Aala-sucuud ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad, kadib sanooyin badan oo uu sheekhu u xiranyahay si dulmi iyo xadgudub ah.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay bar lagu baahiyo duruusta iyo muxaadaraadkii hore ee sheekha, oo ay gacanta ku hayaan qaar kamid ah xirta sheekha ayaa lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee sheekha ay aad u liidato, uuna u dhexeeyo nolol iyo geeri.

Sheikh Suleymaan ayaa la sheegay in mararka uu qaar uu miyir daboolmo, islamarkaana uusan lahayn wax ogaal ah.

“ Waxaan xaqiijin karnaa in xaaladda sheikh Suleymaan Al-calwaan ay liidato, si kale hadaan u dhigno sheekha wuxuu u dhexeeyaa nolol iyo geeri” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay Internetka.

Iyadoo xaaladda caafimaad ee sheikh Suleymaan Al-calwaan ay sidaas u liidato ayuu hadana ku jiraa xabsi infiraadi oo keligii ah, maamulka Aala-sucuudna wuxuu ka biya diidanyahay in sheekha la dhigo isbitaal caafimaad, si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Sanadaha xabsiga ee lagu xukumay sheekha muxadithka ah ee Suleymaan Al-calwaan ayaa dhamaaday, waxaana inkastoo uu awalbo si dulmi u xirnaa, hadana ay ka dhigantahay in dulmigii lagu hayay lagu sii kordhiyay.

Sheikh Suleymaan Al-calwaan ayaa kamid ah culimada Rabaaniyiinta ee kasoo jeeda dhulka Xarameynka, waana sheikh la jahra Xaqqa, xukumeynta gaalnimada maamullada carbeed ee uu Aala-sucuud ku jiro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular