HomeAll newsWAR DEG DEG AH: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawirrada Weerarkii Lagu Qaaday...

WAR DEG DEG AH: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawirrada Weerarkii Lagu Qaaday Xerada Baar Sanguuni [Daawo]

Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow baahiyey sawirrada weerarkii aroornimo ee saaka lagu qaaday saldhigga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federalka ee deegaanka Baar-Sanguuni.

Maktabka ayaa faafiyey sawirro hordhac ah oo muujinaya dagaalyahanada Al-Shabaab ah oo xoog ku jiiraya difaacyada askarta Mareykanku tababaray islamarkaana si buuxda gacanta ugu dhigaya Xerada.

Waxaa la arkayaa holac iyo uuro ka baxeysa xerada, Meydadka askar daadsan goobihii lagu dagaalamay, iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo hub iyo saanad ciidan ka daabulanaya saldhigga.

Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 41 askari, laguna soo ganiimeystay gaari Cabdi Bile ah oo ku rakibnaa qori dhashiike ah iyo saanad ciidan oo hub iyo agab military u badnaa.

Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda.

Sawirradan uu baahiyey Xafiiska Wrfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo maanta saraakiil u hadlay maamulka ‘Jubbaland’ ay dafireen in laga qabsaday xerada, lagana dilay askar fara badan.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular