Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal aroornimadii hore ee saaka ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamo katirsan maamulka Jubbaland iyo kuwa uu Maraykanku tababaray ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas ku dhintay 18 askari oo katirsan ciidamadii goobta joogay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas k bato, maadaama tirada hadda la helayo uu yahay keliya khasaaraha horudhac ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaya dagaalka kula wareegeen gaadiid dagaal, iyo saanad milliteri oo hub ah, kuwaas oo ay goobta uga carareen ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Maraykanka daacadda u ah.
Deegaankan waxaa hadda kahor duulaan ballaaran ku qaaday ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo cagta mariyay saldhig deegaanka ay ku lahaayeen malleeshiyaadka Jubbaland, waxaana marar badan maamulkaas uu ka been sheegay xasuuqyada loo geystay ciidankiisa, sida lagu arkay filimiin ay soo saartay mu’assasada Al-Kataa’ib.