Shabakadda CBS ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa barnaamijkeeda caanka ah ee lagu magacaabo “60 daqiiqo” waxay ku waraysatay madaxweynaha maamulka Afgembiga Masar ninka lagu magacaabo Cabdil-fataax As-siisi.
Waraysigan oo la wada sugayay maalmihii u dambeeyay, maamulka Masaaridana uu ku dadaalay inuu baajiyo oo aan la baahin, ayuu Siisi kaga jawaabayaa su’aallo dhowr ah oo ku aadan xiriirka maamulkiisu la leeyahay Yahuudda, maxaabiista ku xiran jeelasha, iyo xasuuqii Raabica ee lagu laayay boqollaalka ruux.
Mar wax laga waydiiyay tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada maamulka Masaarida, ayuu Siisi beeniyay iney jiraan maxaabiis loo heysto arimo siyaasadeed ama iney dhiibteen fikirkooda, wuxuuna intaa ku daray iney hayaan maxaabiis ku eedeysan kiisas “argagaxiso”, kuwaas oo lasoo taagay maxkamad cadaalad ah.
Siisi ayaa si cad oo aan gambasho lahayn wuxuu u beeniyay kumanaanka kun ee kujirta jeelashiisa, loona heysto arimo siyaasadeed, waxaana hadalkisa loo micneyn karaa in xitaa Maxamad Mursi madaxweynihii la afgembiyay, hadana u xiran dowladda uu yahay qof argagaxiso ah, maadamaa dhamaan maxaabiista uu heysto ku tilmaamay Siisi iney yihiin argagaxiso.
Wuxuu beeniyay warbixin ay soo saartay hay’adda sheegata iney u doodo xuquuqda Aadanaha ee lagu magacaabo Human Rights watch, taas oo ay ku sheegtay in maxaabiista arimo siyaasadeed ugu xiran xabsiyada Masar ay gaarayaan 60.000 oo maxbuus.
Siisi ayaa is waydiiyay halka ay Hay’addu ka keentay tiradan faraha badan, wuxuuna sheegay iney jirin maxaabiis intaas la eg oo ku jirta jiilasha uu isagu masuulka ka yahay.
Afgembigii sanadkii 2013-ka uu ku sameeyay madaxweyne Mursi ayaa mar wax laga waydiiyay Siisi, wuxuu sheegay in ninkaas uu doonayay in dalka uu kusoo rogo xukun islaami ah, iyaguna ay arinkaas ka biya diideen.
Inkastoo Mursi uu sheegay inuu daacad u yahay dastuurka ka hor imaanaya diinta islaamka, amaanka Yahuudana ilaalinayo, hadana waxa keliya ee uu eedsaday ayaa ahayd isagoo asal ahaan ku abtirsada xarakada islaamiga ee Ikhwaanul Muslimiin, taasna waxay keentay in reer-galbeedku ku kiciyaan wasiirkiisii gaashandhiga oo xilligaas uu ahaa Siisi.
Wariyaha shabakadda CBS ayaa Siisi u sheegay in dad badan oo masaari ah ay diidanyihiin in lagu tilmaamo inuu yahay madaxweynaha Masar, balse ay ku sheegaan inuu yahay keligii taliye, Siisi oo arintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in “ tallaabada ka qaadeen maamulkii Mursi uu hogaaminayay ay ahayd mid muhiiim ah si loo ilaaliyo xasilloonida iyo amniga”.
Boqollaalka ruux ee ay ciidamada Amaanku ku dileen fagaaraha Raabicatal-cadawi ee magaalada Al-Qaahira, kadib markii talada laga tuuray Mursi ayaa wax laga waydiiyay Siisi, wuxuuna si la yaab leh u sheegay in ciidamadiisu ay la dagaallameen oo keliya rag hubeysan oo argagaxiso ah, wuxuuna meesha ka saaray xasuuqa sugan ee uu aduunka oo idil ogyahay, kaas oo ay ciidamada Masaaridu ku dileen kudhawaad 1000 ruux.
Siisi ayaa la waydiiyay su’aal la xiriirta xiriirka maamulkiisu la leeyahay maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin.
“ xiriirka aad la leedihiin Isra’il wuxuu marayaa sow ma ahan heerkii ugu sarreeyay abid? Siisi ayaa ku jawaabaya “ waa sax, xitaa ciidamada masaarida mararka qaar waxay u gudbaan dhanka Isra’il, waxaa jira wada shaqeyn ballaaran oo aan la leenahay Israa’iil”.
Waraysigan oo ahaa mid aad u dheer, arimo bandanna uu kaga hadlay Siisi ayaa safaaradda Masaarida ee dalka Maraykanka waxay isku dayday in la joojiyo, islamarkaana aan la baahin, balse maamulka shabakadda CBS ayaa gebi ahaanba diiday arintaas, waxaana waraysiga dhowr bilood kahor Siisi looga qaaday hotel ku yaala magaalada Newyork.