HomeAll newsSarkaal katirsan Amaanka Garoonka Diyaaradaha Oo Muqdisho Lagu dilay.

Sarkaal katirsan Amaanka Garoonka Diyaaradaha Oo Muqdisho Lagu dilay.

Habeenkii xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Amaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Axmad Saleemaan, waxaana lagu toogtay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan, wuxuuna imaanayaa xilli maalintii shalay howlgal gaar ah oo ka dhacay Muqdisho lagu dilay taliyihii Police-ka saldhiga degmada Wardhiiglay.

Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa Macallin Daahir ku dilay afaafka hore ee saldhiga Police-ka Wardhiigley, waxaana meydka sarkaalka xili dambe goobta ka qaaday ciidamo katirsan dowladda.

Howlgallada lagu ugaarsanayo saraakiisha dowladda federaalka ayaa kusii kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana muuqata in ciiidamada Amniga ee guutada Muxamad bin Maslama ay sii dardar gelinayaan howlgalladooda, iyagoo ajiibaya amarka kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular