HomeAll newsSaraakiil katirsan Dowladda Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Saraakiil katirsan Dowladda Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray saraakiil katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo maanta lagu beegsaday qarax xoogan, kaas oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Baar Itaaliyo oo kaabiga ku haya Godka Jilicow oo ah xarun ay ka howlgalaan ciidamada sirdoonka dowladda federaalka, una adeegsadaan xabsi lagu hayo dhalinyarada reer Muqdisho ee lasoo qabto.

Saraakiil katirsan Sirdoonka iyo amniga dowladda federaalka ayaa qaraxa lala beegsaday, waxaana halkaas ku gaaray khasaare ba’an oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan 7 sarkaal oo katirsan dowladda federaalka ayaa goobta ku dhintay, halka ay dhaawacmeen tiro kale, waxaana sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray gawaari nooca raaxada ah oo ay wateen saraakiisha bartilmaameedka ahaa.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan weyn ee maanta ka dhacay magaalada Muqdihso, wuxuuna qeyb ka yahay silsiladaha howlgallada ee Mujaahidiintu ka wadaan qeybaha kala duwan ee dalka meelaha ay ka joogaan Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular