
Hay’adda Qaramada Midoobay oo taageerta Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney dhimeyso tirada shaqaalaheeda ka howlgala xafiiska ay ku leedahay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Go’aanka Qaramada Midoobay kasoo baxay ayaa muujinaya halista amni ee soo food saartay shaqaalaha UN-ka ee Muqdisho, waxaana howlwadeennaada iyo shaqaalaha ugu badan ay ka shaqeyn doonaan xafiiska UN-ka ee magaalada Nairoobi caasimadda dalka Kenya.
Xubno cusub oo lagu waday iney soo gaaraan Muqdisho, kana tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu amray iney baajiyaan safarka ay ku tagi lahaayeen Soomaaliya, oo ay kasii shaqeeyaan xafiiska Nairoobi.
Arintan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan weerar duqeyn khasaare dhaliyay lagu qaaday xerada Xalane oo ay ku yaalaan xafiisyada ugu badan ee Qaramada Midoobay, waxaana waxyeello ay soo gaartay qaar kamid ah shaqaalaha UN-ka.
Duqeynta ayaa si toos ah u haleeshay xafiiska UN-Ka, waxaana mas’uuliyada weerarkaas sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sheekh Cabdil-caziiz Abuu Muscab Afhayeenka howlgallada ciidamada Mujaahidiinta oo waraysi siiyay Al-Furqaan ayaa sheegay in weerarkaas uu dirayay farriin ah in Shisheeyuhu aysan ku badbaadi doonin Soomaaliya.