HomeAll newsMuwaadiniin Reer-galbeed ah oo kura dadka ku dhintay weerarka weli ka socda...

Muwaadiniin Reer-galbeed ah oo kura dadka ku dhintay weerarka weli ka socda Riverside ee Nairoobi.

Weerarka ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Riverside ee magaalada Nairoobi waxaa dadka ku dhintay ku jira muwaadiniin Reer-galbeed ah oo kasoo jeeda wadamada dhaca qaarada Yurub iyo Ameerica.

Ugu yaraan 17 qof oo reer galbeed ah ayaa kamid ah kontameeyada ruux ee ku dhintay howlgalka weli ka socda magaalada Nairoobi, waxaana dadkaas dhintay ay qaarkod kasoo jeedaan wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Spain iyo wadamo kale.

Ciidamada Maranezka Maraykanka, kuwa sirdoonka Ingiriiska, iyo ciidamo Yahuud ah ayaa jooga afaafka hore ee dhismaha Riverside, waxayna ciidamada Kenyaatiga ay ka gacan siinayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Mujaahidiinta.

Isbitaallada ayaa weli ka sheeganaya dhiig la’aan baahsan, waxayna codsanayaan in dadka ay ku deeqeen dhiigooda, si loo badbaadiyo nolosha dad dhimanaya haddii aysan helin dhiig.

Wariye ku sugan afaafka hore ee Riverside ayaa labo daqiiqo kahor wuxuu soo tabiyay in Saraakiisha ciidamada Kenya ay u suurta geli la’dahay iney gudaha u galaan, maadaama ay soo dheceyso rasaas xoogan oo ay soo ridayaan dagaalyahannada Mujaahidiinta.

Police-ka Kenya wuxuu shaaca ka qaaday in dhismashada ay hadda mareyso 15 ruux, waxaana riwaayadan shakki badan ka muujiyay shacabka Kenya iyo warbaahinta caalamka.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular