Iyadoo weli dalka Suudaan ay ka soconayaan banaanbaxyda ay dhigayaan dad shacab oo careysan ayaa isbaheysi ay ku mideysanyihiin inta badan kooxaha mucaaradka dalka Suudaan waxay talooyin usoo jeediyeen madaxweynaha wadankaas Cumar Xasan Al-bashiir.
Jabhadda wadaniga ee isbedel doonka, waa urur ay ku mideysanyihiin inkabadan labaatan xizbi oo mucaarad ah, waxaana kulan ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Al-Khardhuum kasoo saareen qodobo ku socda madaxweynaha dalka.
Arimaha ugu horeeya ee ay soo jeediyeen waxaa kamid ah in la dhiso gole kumeel gaar oo maamula wadanka, taas bedelkeedana uu xilka isaga dego Cumar Xasan Al-bashiir.
Markii uu u dhamaaday kulan ballaaran oo ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ayay warbaahinta la hadleen, waxaana dalabaadka ay soo jeediyeen kamid ah in ciidamada ay ilaaliyaan dadka shacabka ah.
Falanqeeyayaasha arimaha Suudaan ayaa sheegaya in go’aanka ay qaateen Mucaaradka lagu tirinayo kii ugu cadaa ee ay qaateen tan iyo markii bananbaxyadu billowdeen.
Banaanbaxyada ayaa weli ka soconaya magaalooyin kala duwan oo katirsan wadanka Suudaan, waxaana dadka oo markii hore ka cabanayay qiima kororka Rootiga iyo shidaalka ay hadda codsanayaan inuu xilka isaga dego madaxweynaha tobanaanka sano heysta talada dalkaas ee Cumar Xasan Al-bashiir.