Emmanual Macron, madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa weerar afka ah ku qaaday Islaamka iyo muslimiinta, xilli uu ku sugnaa wadanka Masar oo uu booqasho ku yimid.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanul Macron wuxuu shaaca ka qaaday in wadankiisa uu la kulmay waxa uu ku tilmaamaya “Argagaxisada Islaamka”.
Macron ayaa booqasho ku yimid magaalada Al-Qaahira ee dalka Masar, waxaana la yaab leh in isagoo jooga dal islaam uu hadana ku dhiirado aflgaadadan muuqata ee ka dhanka ah Muslimiinta.
Madaxweynaha Afgembiga maamulka Masaarida Siisi ayuu kulan la qaatay, wuxuuna ku dhaliilay arimaha uu ugu yeeray Xuquuqda Insaanka, taas oo uu sheegay iney muhiim tahay ilaalinteeda.
Dalka Faransiiska ayaa taariikh fog ku leh dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta, waxaana Macron ka dhadhameysa cadaawada fog ee uu u qabo Muslimiinta.