HomeAll newsMaamulka Siisi oo xaqiijiyay in wada shaqeyn dhanka amniga ay la leeyihiin...

Maamulka Siisi oo xaqiijiyay in wada shaqeyn dhanka amniga ay la leeyihiin maamulka Yahuudda.

Madaxweynaha maamulka afgembiga dalka Masar Cabdil-fataax Siisi ayaa shaaca ka qaaday in xiriir dhanka amniga ah ay la leeyihin maamulka Yahuuda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin.w

Waraysi dheer oo uu siiyay tvga CBC ayuu Siisi ku sheegay in maamulka Yahuudda ay kala shaqeeyaan howlgallada ka socda wuqooyiga Siinaa, wuxuuna ku tilmaamay xiriirka maamulkaas ay la leeyihiin mid wanaagsan.

Horudhaca waraysigan oo uu Tvgu baahiyay, isagoo dhameystiranna la filayo in saacadaha soo socda la baahiyo ayuu si muuqata uga marqaati kacayaa Siisi xiriirka uu maamulkiisa la leeyahay Yahuudda.

Maamulka Telefeshinka waraysiga ka qaaday Siisi ayaa sheegay in dowladda Masar ay ka codsatay in la joojiyo waraysigaas oo aan la baahin, maadama ay ka baqeen radu ficilka ka dhalan kara.

Maamullada carbeed ayaa dhamaantooda xiriir la leh maamulka Yahuudda, waxaana keliya ay ku kala duwanyihiin in qaarkood aysan qarsan, halka qaarka kalana ay doonayaan in xiriirka ay la leeyihiin Yahuuda uu noqdo mid qarsoon.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular