Muuqaal video ah oo uu baahiyay website wax ka qora mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, ayaa waxaa lagu arkayaa dad gaaraya tobaneeyo ruux oo la sheegay iney kasoo jeedaan muslimiinta Rohingiya, kuwaas oo loo tarxiiliyo dalka Bangladesh.
Dadkan oo dhamaantooda katiinadeysan, ayaa muuqaal qarsoodi ah oo laga duubay waxaa lagu arkayaa iyagoo ku sugan goob kamid ah magaalada Jiddah, islamarkaana lagu amrayo iney is diyaariyaan si loo tarxiilo.
Qaar kamid ah dadka la tarxiilay waxay shan sano illaa lix sano oo xiriir ah ku xirnaayeen xabsiyada maamulka Aala-sucuud, waxaana iyagoo intaas sano dulmanaa hadana loogu daray in la tarxiilo.
Dadka muslimiinta ee daawaday muuqaalkan ayaa aad uga carooday arintan, waxayna sheegeen in dulmi laba jibaarmey lagula dhaqmay dadkan muslimiinta ah oo la ogyahay dhibaatada ka jirta dhulkooda.
Muslimiinta Rohingiya ayaa dhibaatooyin joogta ah kala kulmaya buudiyiinta xooga ku heysta dhulkooda, waxaana kumanaan ruux oo reer Rohingiya ah kusoo barakaceen wadamada Bangladesh iyo kuwa lamidka ah, halkaas oo ay xaalad adag ku heysato.