HomeAll newsMaamulka Aala-sucuud iyo Xuuthiyiinta oo maxaabiis is dhaafsaday.

Maamulka Aala-sucuud iyo Xuuthiyiinta oo maxaabiis is dhaafsaday.

Sida uu baahiyay telefeshin ku hadla afka Xuuthiyiinta, malleeshiyaadka ayaa sii daayay askari Aala-sucuud katirsan, kaas oo mudooyinkii u dambeeyay isagoo xanuunsan ku jiray gacanta malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Askariga lasii daayay ayaa sida la sheegay gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-sucuud, waxaana dhinac kale Aala-sucuud ay sii daayeen todobo malleeshiyo oo maxbuus ahaan ugu jiray gacantooda.

Maxaabiis is dhaafsigan waxaa dhex-dhexaadinayay hay’adda Laanqeerta-cas, taas oo diyaarad ku qaaday askariga Sucuudiyaanka ah.

Qaramada Midoobay ayaa arintan soo dhaweysay, waxayna ku tilmaamtay tallaabo horey loo qaaday oo isku soo dhaweyn karta Xuuthiyiinta iyo maamulka Aala-sucuud.

Askariga lasii daayay ayaa sii deysmadiisa waxay timid, kadib markii dhawaan uu kasoo muuqday muuqaal lagu baahiyay tvga Xuuthiyiinta, isagoo ka codsanaya Aala-sucuud in laga sii daayo gacanta Xuuthiyiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular