Magaalada Anqara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaa maalmihii dambe booqasho ku joogay La taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Maraykanka, ninka lagu magacaabo John Bolton.
La taliyaha Trump ayaa la kulmay dhigiisa wadanka Turkiga, waxayna kawada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira ka bixitaanka Maraykanka ee Suuriya, iyo masiirka malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo ahaa xaliifka dowladda Maraykanka.
Bolton wuxuu sheegay iney marnaba ogolaan doonin in ciidamada Turkigu waxyeello gaarsiiyaan malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo uu nidaamka Turkigu u arko iney yihiin malleeshiyaad halis ku ah jiritaanka jamhuuriyadda cilmaaniga ee Turkiga.
Turkiga ayaa aad uga carooday hadalka kasoo yeeray Maraykanka, waxaana Ordogan uu diiday inuu la kulmo John Bolton, la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Bolton wuxuu ku laabtay wadankiisa Maraykanka, isagoo aan guul ka gaarin wayxaabo badan oo ay isku mari la’yihiin dowladaha Turkiga iyo Maraykanka.
Dhawaan ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamadiisa uu kala bixi doono wadanka Suuriya, waxaana go’aanka uu qaatay si ada uga horyimid wasaaradda gaashandhiga, taas oo keentay in wasiirkii wasaaradaas Mattis uu si lama filaan ah isku casilo.