Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa kulan la qaatay xubnaha ka kala socda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee katirsan aqalka Congreska oo ah halka sharciyan laga maamulo shacabka wadankaas.
Kulanka oo muda socday ayaa looga hadlayay labo qodob oo kala ah “ in xafiisyada dowladda ee xiran, shaqadoodana istaagtay dib loo furo, iyo in la meel mariyo miisaaniyadda lagu dhisayo derbi uu Trump doonayo in laga dhiso xuduuda Maraykanka iyo Maxico.
Xubnaha Congreska ayaa kulanka ka sheegay iney marnaba meel marin doonin qarashka ku baxay adhismaha derbigaas, oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid sharci darro ah.
Donlad Trump ayaa ka carooday hadalkaas, wuxuuna isagoo xanaaqsan ka baxay howlka uu shirka ka socday, isagoona ku tilmaamay shirka mid waqti dhameys ah oo aan waxba soo kordhineynin.
Bartiisa twitterka ayuu kusoo qoray hadal kooban oo uu ku sheegay in kulankii uu ka qeyb qaatay uu ahaa mid waqti lumis ah.
Trump ayaa ku dhegan in la meel mariyo miisaaniyada dhismaha derbiga kala qeybinaya xuduud beenaadka Maraykanka iyo Maxico, haddii taas ay dhici weysana wuxuu sheegay in shaqada dowladda ee dalka Maraykanka ay xannib naan doonto.