HomeAll newsKhasaare culus oo ciidamada Jabuuti ku gaaray inta u dhexeysa Jowhar iyo...

Khasaare culus oo ciidamada Jabuuti ku gaaray inta u dhexeysa Jowhar iyo Jalalaqsi.

Ciidamada Jabuuti oo garab u ah Shisheeyaha AMISOM ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa tan iyo shalay waxay dagaallo culus kula kulmeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha-dhexe.

Galabnimadii shalay ayaa ciidamo katirsan Jabuuti waxay kasoo tageen degmada Jalalaqsi, iyagoo kusii jeeda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana wadada ku qabsaday kamaa’inno iyo qaraxyo xoogan oo ay la beegsadeen ciidamada Mujaahidiinta.

Hadafka ciidamada Jabuuti ayaa ahaa iney soo qaataan gawaari dagaal oo Muqdisho looga soo dejiyay, kuwaas oo la keenay magaalada Jowhar, maadaama ay gawaari badan uga gubteen howlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadaan.

Meel u dhow magaalada Jowhar ayay ciidamada Jabuuti kasoo kaxeystaan dhowr gaari, waxaana saaka markii ay soo aadeen dhanka Jalalaqsi qabsaday weeraro kale.

Intii ay kusii socdeen Jowhar, iyo markii ay kasoo laabteenba, waxaa ciidamada Jabuuti la kulmeen silsilado weeraro culus, kuwaas oo ay kala kulmeen dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warar lagu kalsoonana karo oo Idaacadda Al-Furqaan heshay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Jabuuti laga dilay 6 askari, halka toban kalana laga dhaawacay, waxaana laga burburiyay ugu yarana labo gaari oo nooca dagaalka ah.

Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda ayaa qaati ka taagan isku socodka wadooyinka, waxaana gawaarida dagaal ee ay Jabuutiyaanku doonteen ay Jowhar yaaleen dhowr bilood oo xiriir ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular