HomeAll newsInkabadan 30 Askari oo ku dhintay Weerar ka dhacay Galbeedka Afqaanistaan.

Inkabadan 30 Askari oo ku dhintay Weerar ka dhacay Galbeedka Afqaanistaan.

Ciidama katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa weerar xoog ku gal ah waxay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala galbeedka wadanka Afqaanistaan, kaas oo ay ku sugnaayeen ciiidamo katirsan malleeshiyaadka xukuumadda kaabul.

Xerada ciidan ee ay mujaahidiintu weerareen ayaa waxaa ka sugana ciidamada loo xil saaray ilaalinta amaanka magaalada Hiraat ee caasimadda gobolkaas, taas oo laga cabsi qabo iney gasho gacanta Imaarada islaamgia ee Afqaanistaan.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ee Afqanistaan ayey Imaaradu ku xaqiijisay in weerarkan Inqimaasiga ah ay fuliyeen saddex Mujaahid iyadoona weerarkan khasaara culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka xukuumadda Kaabul.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday inka badan 34 askari kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan milliteriga xukuumadda Kaabul.

Saraakiisha ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarka waxaa ku jira taliyihii saldhiga oo dhaawac halis ah uu soo gaaray, halka ku xigeenkiisana uu goobta ku dhintay.

Howlgalka Inqimaasiga ah intii uu socday, waxay ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa meel ka baxsan saldhiga la weeraray ay isku dayeen iney usoo gurmadaan saaxibadooda, balse waxaa lala eegtay qaraxyo horey loogu diyaariyay, kuwaas oo iyagana gallaaftay nolosha ciidamo badan.

Weerarka Inqimaasiga ah waxaa fuliyay saddex mujaahid, sida lagu sheegay bayaanka, waxaana shahiiday hal Mujaahid oo keliya, halka labadii kale ay dib ugu soo laabteen goobihii ay ka duulaan tageen iyagoo bad qaba.

Dalka Afqaanistaan ayaa waxaa si firfircoon uga socda howlgalka Al-khandaq, kaas oo gugii lasoo dhaafay uu ku dhawaaqay golaha shuurada ee Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular