HomeAll newsHowlgallo Ka dhacay gobollada Bari,Hiiraan iyo Shabeellaha-dhexe.

Howlgallo Ka dhacay gobollada Bari,Hiiraan iyo Shabeellaha-dhexe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay howlgallo kala duwan waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobollada Bari, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada Soomaalida ee daacadda u ah Shisheeyaha.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay qaraxyo culus waxay ku weerareen saldhig magaalada Boosaaso ay ku lahaayeen ciidamada maamulka Puntland.

Saldhiga Qaraxyada lagu weeraray ayaa ku yaala xaafadda Biyo kulule ee bartamaha magaalada Boosaaso, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxyadan.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax ku weeraray goob ay magaalada Jowhar kaga sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hir-shabeelle.

Qaraxyo xoogan ayay ciidamada Mujaahidiinta ku weerareen isbaaro ku taalla wuqooyiga magaalada, halkaasna lama oga khasaaraha k dhashay.

Ugu dambeyn, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay weerar xoogan ku qaadeen difaacyada degamada Jalalaqsi ay ku leeyihiin ciidamada Jabuuti.

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana socday ugu yaraan 30 daqiiqo oo kaamil ah ayaa gudaha magalaada ku dhexmaray Mujaahidiinta iyo ciidamada Jabuuti.

Howlgalka kadib, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay kusoo laabteen goobihii ay ka duulaan tageen, lamana oga khasaaraha gaaray ciidamada Jabuutiyaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular