HomeAll newsHowlgal Saacadii Shanaad ka socda magaalada NAIROBI.

Howlgal Saacadii Shanaad ka socda magaalada NAIROBI.

Waxaa weli socda weerar xoogan oo ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen dhismo weyn oo lagu magacaabo Dusit oo ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairoobi ee caasimadda dalka Kenya.

Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ballaaran oo Inqimaasi ah ku qaaday qeybta 14-aad ee dhismaha Dusit, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo dhaceysa.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana weerarka aad u hadal haya guud ahaan warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Kenya.

Sawirrada lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya qiiq iyo holac ka kacaya dhismaha uu howlgalku ka socdo, waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhaceysa goobta.

Idaacadda islaamiga ee Al-Andalus, kuna hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay in rag inqimaasiyiin ah oo katirsan Mujaahidiinta ay u daateen dhismaha, waxyar kadib qaraxyo xoogan oo lagu daah furay howlgalka.

War kasoo baxay dowladda Kenya waxaa lagu xaqiijiyay weerarka, iyadoona dowladu sheegtay in rag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha Dusit, ciidamada Amaankuna ay isku dayayaan iney iska caabiyaan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey weerarka weli socda, sida laga dareemayo xarumaha caafimaadka dowladda Kenya, waxaana dhowr isbitaal oo ku yaala Nairoobi ay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka soo dhigeen codsi ku aadan in dhiig loogu deeqo dhaawacyo xaaladoodu liidato.

“Fadlaan badbaadi Naf dhimaneysa” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Twitterka, kaas oo ay soo dhigeen saddex isbitaal oo ku yaala magaalada Nairoobi.

Shacabka Kenyaatiga ayaa aad uga walaacsan weerarkan, waxaana baraha Internetka ay kusoo qorayaan hadallo muujinaya tacsi iyo xanuun, iyadoona weerarkan uu kusoo aaday xilli maanta shacabka Kenyaatigu ay u baroor diiqayeen saddex sano guuradii kasoo wareegatay weerarkii weynaa ee Ceel-cadde, kaas oo lagu dilay boqollaal askari oo Kenyaati ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular