HomeAll newsGobolka Baay: Ciidamada itoobiya Oo ka guuray halkii uu ku qabsaday Weerarkii...

Gobolka Baay: Ciidamada itoobiya Oo ka guuray halkii uu ku qabsaday Weerarkii Weynaa.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa ka guuray halkiii maalintii Jimcaha uu ku qabsaday weerarkii cuslaa ee looga dilay askarta badan.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa qaatay meydadka askartii looga dilay dagaalka, intii ay heleen, iyo dhaawacyadii faraha badnaa ee kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee ay kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa iney aadeen degmada Buur-hakaba oo xigta halka uu weerarka ku qabsaday, waxaana ay ka tageen burburka gawaaridii looga gubay dagaalka.

Ciidamada Itoobiyaanka waxaa ka muuqday murug iyo caro xoogan, waxaana jira dilal iyo cagajugleyn ay u geysteen dadka shacabka ah ee isticmaala wadada xiriira Muqdisho iyo Baydhabo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular