HomeAll newsGawaari Dagaal oo Kenya Looga gubay Dagaal ka dhacay Jubbooyinka.

Gawaari Dagaal oo Kenya Looga gubay Dagaal ka dhacay Jubbooyinka.

Weerar kamiin oo aad u culus ayaa loo dhigay kolonyo katirsan ciidamada Kenyaatiga oo ku safrayay qeybo kamid ah gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa inta u dhexeysa degmooyinka Dhooblay iyo Afmadow waxay kamiin ugu dhigeen ciidamo Kenyaati ah, waxaana gaaray Kenyaatiga khasaare lixaad leh.

Wararka ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ay ciidamada Mujaahidiintu ku gubeen kamiinka, iyadoona ciidankii saarnaa ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.

Mid kamid ah gawaarida la gubay waxaa uu ahaa nooca TAWGA loo yaqaano, waxaana helay qarax xoogan oo lagu aasay wadada, halka gaariga labaadna lala helay garneellada garbaha laga tuuro ee ay isticmaalaan ciidamada Mujaahidiinta.

Ciidamada Kenyaatiga ayaa ku hakaday halkii lagu weeraray, waxayna ka baqayaan iney la kulmaan weeraro horleh haddii ay sii wataan safarkooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular