HomeAll newsDoorashada Madaxtinimada maamulka Puntland Oo billaabatay.

Doorashada Madaxtinimada maamulka Puntland Oo billaabatay.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ka billaabatay doorashada madaxtinimada maamulka Puntland, taas oo ay ku tartamayaan musharixiin aad u badan oo mid walbaahi doonayo inuu noqdo madaxweynaha maamulkaas.

Cabdi-weli Gaas ayaa kamid ah musharixiinta u loolamaya xilkan, waxaana jira musharixiin kale oo ay kamid yihiin axamuud Khaliif Jebiye, Saciid Cabdullaahi Deni, C/weli Maxamed Cali Gaas, Faarax Cali Shire iyo Asad Cismaan Diyaano, kuwaas oo u tartamaya doorashada.

Magaalada waxay xalay ku waabariisatay bandow uu kusoo rogay maamulka Puntland, waxaana magaalada lasoo dhoobay ciidamo aad u badan, kuwaas oo sugaya amaanka magaalada.

Lama oga cida kusoo bixi doonto doorashada, waxaana Gaas uu wajahayaa culees xoogan oo kasoo wajahaya siyaasiyiinta la tartamaya.

Doorashadan waxay kusoo aadeysaa xilli maamulka Puntland uu deegaannadiisa ka mamnuucay iney soo galaan inta ay socoto doorashada madaxda iyo shaqaalaha dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular