Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa sheegaya in diyaarad xamuul oo uu leeyahay milliteriga wadankaas ay burburtay maanta, xilli ay ku deganeysay garoon diyaaradeed oo ku yaala galbeedka wadanka Iiraan.
Diyaaradda waxaa saarnaa ugu yaraan 16 ruux, waxaana ay burburtay xilli ay ku deganeysay garoonka gobolka Al-baraz ee dhaca galbeedka magaalada caasimadda ah ee Dhahraan.
Saraakiil u hadlay xukuumadda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in inta badan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen, halka ay jiraan tiro aad u yar oo badbaaday oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda.
Goobta ay diyaaradda ku dhacday waxa lagu arkay meydadka ugu yaraan 7 ruux, waxaana jira dhaawacyo ay xaaladoodu liidato oo laga yaabo in saacadaha soo socda ay geeriyoodaan.
Sawirrada burburka diyaaradda ayaa lagu baahiyay baraha Internetka, waxaana tani ay khasaare ku tahay dowladda Iiraan oo ay ciidamadeedu gumaad ka wadaan wadamo dhaca caalamka Islaamka sida Suuriya oo kale.