Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaana lagu soo qaataa hadba mowduuca taagan iyadoo lagu marti qaado dad aqoon u leh ama si wanaagsan ula socdo oo diraaseeyay.
Jimcahan waxaa lagu lafa guray saameynta weeraradii waaweynaa ee usbuucii hore ka kala dhacay Nairobi, Baar-sanguuni iyo duleedka Buur-hakaba, waxaana marti ku ahaa aqoonyahan Suldaan Maxamad Ibraahim Gar Yare.