Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxaana lagu soo gudbiyaa mowduuc muhiim ah kaasoo si aad ah loo lafa guro lagana qeyb galiyo dad aqoon u leh.
Todobaadkan waxaa lagu soo qaatay mowduuc ku saabsan barashada Qur’aanka kariimka ah, waxaana ka qeyb galay aqoonyahanno culuumta Qur’aanka yaqaana, waalidiin iyo marti sharaf kale.