HomeAll newsDEG-DEG: Taliyihii Police-ka Saldhiga Wardhiigley Oo la toogtay.

DEG-DEG: Taliyihii Police-ka Saldhiga Wardhiigley Oo la toogtay.

Howlgal gaar ah oo waxyar kahor ka dhacay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay taliyihii saldhiga degmadaas oo lagu magacaabo Macallin Daahir.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa afaafka hore ee saldhiga Police-ka ee degmada Wardhiigley waxay ku toogteen taliye Macallin Daahir, waxaana markaas kadib ay ka dhaqaaqeen goobta.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa  qaaday meydka sarkaalka, kuwaas oo xiray goobta, cabsi xooganna ay ka muuqato.

Saraakiil katirsan dowladda federaalka oo Al-Furqaan khadka teleefanka kula xiriirtay ayaa xaqiijiyay geerida taliye Macallin Daahir oo ahaa taliyaha Police-ka degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular