Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan guutooyinka ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose ayaa xalay qaaday weeraro saf ballaaran ah, kuwaas oo lagu beegsaday fariismiyaasha magaalada Marko ay ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka.
Dagaalka oo dhacay xalay, waxaa la soo sheegayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana si weyn looga maqlayay xaafadaha magaalada iyo deegaannada kaabiga ku haya jugta iyo rasaasta ay is dhaafsanayeen labada dhinac.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gudaha u galay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Marko, waxaana la arkayay iyagoo takbiirsanaya islamrkaana aad u hubeysan.
Dagaalka oo in muda ha socday ayaa markii uu soo idlaaday waxay ciidamada Mujaahidiinta kusoo laabteen goobihii ay ka duulaan tageen, iyadoana ciidmada dowladda ay ridayeen rasaas teel teel ah cabsi ay ka qabaan in markale lasoo weeraro.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la xaqiijiyay in la gaarsiiyay ciidamada dowladda, walow tirada rasmiga ah aysan inoo suuragelin inaan helno.
Saraakiisha maamulka magaalada Marko oo aan la xiriirnay waxay xaqiijiyeen in dagaal culus lagu soo qaaday, balse waxay ka gaabsadeen iney sheegaan khasaaraha gaaray.