Wararka naga soo gaaraya gobolka bari ee uu maamulo maamulka isku magacaabay Puntland, xabashidana gacan saarka dhow la leh ayaa ku waramaya in qarax culus lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulkaas.
Gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo badan ayaa lagu qarxiyay deegaanka Balli-khadar, oo kamid ah deegaannada hoosyimaada magaalada Boosaaso.
War ay heshay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ku waramaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay qaraxaas, halka afar kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka howlgasha deegaannada uu ka arimiyo maamulka Puntland ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha dhaliyay.
(Xanax)