HomeAll newsBoqollaal Askari oo katirsan ciidamada Maali oo megen geliyo siyaasadeed weydiistay Canada.

Boqollaal Askari oo katirsan ciidamada Maali oo megen geliyo siyaasadeed weydiistay Canada.

Dowladda Maali waxaa qabsatay arin fajaciso iyo layaab dhalisay, kadib markii ciidamo gaaraya boqollaal askari oo ay u dirtay dalka Canada si ay usoo qaataan tababar la xiriira waxa loogu yeero “ la dagaalanka Argagixisada” ay dowladda Canada waydiisteen magan geliyo siyaasadeed.

Ciidamada magan geliyada siyaasadeed weydiistay dowladda Canada waxay tiradoodu gaareysaa 200 oo askari, waxaana dalka Canada loo geeyay inay qaataan tababar la xiriira “ la dagaalanka Argagaxisada”.

Ciidamada ka socda dalka Maali ayaa u sheegay dowladda Canada in noloshoda ay halis ku jirto, maadama ay ku jireen furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxayna codsadeen inaan loo celin wadanka Maali.

Boqollaalkan askari ee magan geliyada siyaasadeed weydiistay ayaa ka tagay xeryihii lagu hayay, waxaana ka go’an inaaney dib ugu laaban dalka Maali.

Xukuumadda Maali ayaa aad uga careysan tallaabadan ay ku kaceen ciidameeda, waxaana ay muujineysaa dagaalka adag ee dalkaas Maali ku wajahaya Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda, dagaalladaas oo ay kala kulmayaan Mujaahidiinta ka kooban Ansaar iyo Muhaajiriin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular