HomeAll newsAskar katirsan dowladda Oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Muqdisho.

Askar katirsan dowladda Oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidmao katirsan dowladda.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan, waxaa lagu dilay labo askari oo katirsan ciidamada dowladda, kana mid ahaa ciidamada joogay isbaarada ku taalla Ex-control Afgooye, halkaas oo lagu baado dadka iyo gaadiidka.

Ragga howlgalka fuliyay ayaa markii ay howshooda qabsadeen waxay si nabad geliyo ay ku dheehantahay uga baxsadeen goobta, waxaana ciidamada dowladda ay rideen rasaas, kadib markii ay ka warheleen iyadoo la dilay labo kamid ah saaxibadooda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalka lagu dilay labadan askari ee katirsan dowladda federaalka.

Muqdisho, majirto inta badan maalin aysan ka dhicin howlgallo kala duwan oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular