HomeAll news21 Uu Ku Jiro Taliye Horin oo DF Looga Dilay Labo Xero...

21 Uu Ku Jiro Taliye Horin oo DF Looga Dilay Labo Xero oo Cagta La Mariyay.

Khasaare aad u badan ayaa DFS kasoo gaaray weeraro culus oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay ku qaaday 9 xero oo ay ciidamada dowladdu joogeen islamarkaana ku kala yaalla duleedka Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.

Labo kamid ah sagaalka xarumood ee la weeraray ayaa cagta la mariyay waxaana askartii joogtay ay noqdeen wax la dilay iyo wax cararay iyadoo hubkii iyo saanaddii tiillay ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Labada xero ee cagta la mariyay ayaa waxay ku kala yaallaan duleedka Dayniile iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xerada duleedka Dayniille dhacda waxaa lagu magacaabaa Ceel-Shaalle halkaasoo gabi ahaanba ay la wareegeen ciidamada Mujaahidiinta waxaana dadkii lagu dilay kamid ahaa sarkaal taliye Horin ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Cali Dheere.

Xerada labaad ee cagta la mariyay waxay ku taallaa Afgooye gaar ahaan Baal-guri, waxaana isku darka dhimashada ka dhalatay labadan xero ay gaartay 21 iskugu jira ciidamo iyo saraakiil dowladda ka tirsan.

Sidoo kale waxay xalay ciidamada Mujaahidiintu weerar ku qaadeen laba fariisin ay askarta shisheeye ku kala leeyihiin Afgooye iyo Ceelasha Biyaha,

Fariisinka Ceelasha Biyaha ee Arbacow ayaa waxa uu dagaalku ku socday muddo nus-saac ah, halka fariisinka ay Afgooye ka googaan iska weerar kulul lagu qaaday.

Sidaa si lamid ah waxay xalay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen ciidamada dowladda ee jooga Siinka dheer, Calamada, Lafoole, Mukayga Afgooye iyo Buulo-Fooliyo Afgooye.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay isku xilli. Marka laga yimaado labada xero ee la xasmiyay ayaa waxaa la rumeysan yahay in todobada meel ee kale ay khasaare ka dhasheen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular