HomeAll newsXarakada Al-Shabaab oo Heshiis Taariikhi Ah Dhex Dhigtay Xawaadle Iyo Murusade. (Barnaamij...

Xarakada Al-Shabaab oo Heshiis Taariikhi Ah Dhex Dhigtay Xawaadle Iyo Murusade. (Barnaamij Gaar Ah)

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa heshiis taariikhi ah dhex dhigtay qabaa’ilka Xawaadle iyo Murusade oo ay colaadi soo kala dhex gashay kadib markii dad reer miyi ah oo labada dhinac ka tirsan ay dhimasho iyo dhaawac isku geysteen.

Kulanka heshiisiinta oo ka dhacay wilaayada islaamiga ah ee Sh/Dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Salaadiinta labada qabiil iyo marti sharaf kale.

Mujaahidiinta ayaa ku guuleystay iney xalliyaan colaadda islamarkaana ay shareecada islaamka ku xukmiyaan dhiigagga labada dhinacba.

Nabadoonada labada qabiil ayaa saxiixay qodobada heshiiska ee shirka kasoo baxay, waxaana munaasabaddii gunaanadka hadallo muhim ah soo jeediyay mas’uuliyiinta Mujaahididiinta, dhinacyadii la heshiisiiyay iyo Marti sharafta.

Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan waxay idiin soo gudbineysaa Barnaamij gaar ah oo ay ka diyaarisay heshiisiinta iyo munaasabaddii maamuuska u ahayd ee ka dhacday Sh/dhexe.

Ku Degso Tayo Sare

Ku Degso Tayo Dhexe

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular