Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda shiiciga ah ee Iiraan ayaa ku waramaya in dalkaas uu ka dhacay qarax culus oo lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Police-ka xukuumadda shiicada ee Iiraan.
Saraakiil katirsan Ammaanka xukuumadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in qof kaxeynayay gaari miineysan uu soo weeraray saldhig ay Police-ku ku leeyihiin magaalada Tashaabahar gobolka Siishtaan wa boloshistaan ee koofnur bari wadanka Iiraan.
Gaariga oo ku qarxayay ilinka saldhiga ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Police-ka, inta haatan la xaqiijiyay waxaa ku dhintay afar ruux, halka inkabadan 20 kalana ay ku dhaawacmeen.
Sarkaal Police-ka katirsan oo la hadlay warbaahinta wuxuu xaqiijiyay in qaraxa kadib ay goobtu ka dhacday is rasaaseyn socotay muda kooban, lamana oga in rag hubeysan ay gudaha u galeen saldhiga iyo in kale.
Xarakada Jihaadiga ee Ansaarul-Furqaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan, iyadoona shaaca ka qaaday in mid kamid ha ragooda nafhuriyaasha ah uu weeraray saldhiga Police-ka, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil badan oo katirsna Police-ka.
Bayaan kasoo baxay Jamaacada waxay ku sheegtay in ay sii wadi doonto beegsiga ka dhanka ah dowladda shiicada ah ee Iiraana.