HomeAll newsWadooyinka Muqdisho oo Xiran iyo Madaxweynaha Ereteriya Oo soo gaaray Caasimadda.

Wadooyinka Muqdisho oo Xiran iyo Madaxweynaha Ereteriya Oo soo gaaray Caasimadda.

Waxaa xiran inta badan wadooyinka istiraatiijiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo uu goordhow soo gaaray madaxweynaha dalka Ereteriya Siyas Afwerki.

Wadooyinka Makka Al-mukarrama, mida ka timaada garoonka diyaaradaha iyo kuwa kaloo aad u badan ayaa saaka dhegxaan lasoo dhoobay, waxaana lasoo dhigay ciidamo boqollaal askari gaaraya oo katirsan kuwa sirdoonka dowladda.

Sababta loo xiray wadooyinka, shacabka soomaaliyeedna loo dhibaateynayo ayaa ah in la sugo amaanka madaxweynaha Erteriya Siyas Afwerki oo ay horay wadamada Itoobiya iyo Ereteriya ugula soo kulmay madaxweynaha dowladda Maxamad Farmaajo.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa Afwerki kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona horey loogu diyaariyay dumar iyo rag ka qeyb qaata soo dhaweynta madaxweynaha.

Mar weliba oo uu Muqdisho imaanayo masuul shisheeye waxaa dhibaato adag la kulma shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana laga xiraa dhamaan wadooyinka, taas oo ka dhigeysa in Ardayda, Ganacsatada iyo dadka xanuunsan ay waayaan meel ay maraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular