HomeAll newsTurkiga oo sheegay inuu howlgal ka billaabayo qeybo kamid ah Suuriya, iyadoona...

Turkiga oo sheegay inuu howlgal ka billaabayo qeybo kamid ah Suuriya, iyadoona Midowga Yurub uu arintas ka digay.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dhayib Ordogan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadiisu howlgal milliteri ay ka bilalabi doonaan bariga dalka Suuriya, kaas oo ay ku beegsanayaan malleeshiyaadka Kurdida.

Ordogan wuxuu sheegay in howlgalku bilalaban doono maalmaha soo socda, islamarkaana ay ku beegsan doonaan malleeshiyaad ay Turkidu ku tilmaamaan iney yihiin argagaxiso, oo ay taageerto dowladda Maraykanka.

Waxaan la ogeyn sida ay ku suurta gali karto in ciidamada Turkigu billaabaan howlgal ka dhan ah malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo ay deegaannada qaar kala howlgalaan ciidamo Ameericaan ah, waxaana loo badinayaa in warka Ordogan uu yahay hanjabaad oo keliya.

Dhinac kale, midowga Yurub ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Turkiga, waxaana wasiiradda arimaha dibadda ururkaas ay ka digtay in Turkigu qaado tallaabo aan lala ogeyn oo ku saabsan arimaha Suuriya.

Wasiiradda arimaha dibadda midowga Yurub waxay sheegtay iney ka cabsi qabaan warka kasoo baxay dowladda Turkiga, kaas oo ay ku tilmaamtay inuu carqaladeyn karo howlgallada Taxaalufku ka wadaan Suuriya ee ka dhanka ah dadka muslimiinta.

Lama oga go’aanka ay dowladda Turkigu qaadan doonto, iyo in ay ka dhabeyn doonto go’aankeeda ah iney howlgal milliteri ku beegsato malleeshiyaadka Kurdida ee jooga qeybo kamid ah dalka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular