HomeAll newsTrump Oo Si dhuumaaleysi ah ku tagay saldhig ciidan oo ku yaala...

Trump Oo Si dhuumaaleysi ah ku tagay saldhig ciidan oo ku yaala dalka Ciraaq.


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho qarsoodi ah oo aan horey loo sii shaacin wuxuu ku tagay saldhig ay dalka Ciraaq kaga suganyihiin ciidamo katirsan Maraykanka duulaanka ku jooga dalkaas muslimka ah.

Trump iyo haweeneyda u dhaxdo ayaa tagay saldhiga dhanka hawada ee Ceynul-Asad, kaas oo ku yaala saxaraha gobolka Al-anbaar oo kamid ah gobollada ay degaan muslimiinta Ahlu Sunnaha.

Wuxuu halkaas kula kulmay saraakiil iyo ciidamo Ameericaan ah, isagoona ugu hambaleeyay ciida Kirismiska ee ay gaaladu u dabaal degaan dhamaadka sanad kasta oo miilaadi ah.

Ciidamada Maraykanka ayuu ku wargeliyay iney sii joogi doonaan dalka Ciraaq, sidoo kalena saldhigyada ku yaala dalkaas ay u adeegsan doonaan weeraro ay ku qaadaan wadanka Suuriya oo dhawaan dowladda  Maraykanka ku dhawaaqday in ciidamadoodu kala baxeyso.

Booqashadan oo qaadatay saddex saacadood oo keliya, kama warheyn dowladda Rawaafida ee ka dhisan dalka Ciraaq, waxaana Trump uu la kulmay keliya ciidankiisa ka jooga dalka Ciraaq gaar ahaan kuwii ku sugnaa saldhiga Ceynul-Asad.

Markii uu ka duulay dalka Ciraaq oo uu gaaray dalka Jarmalka ayuu Aqalka cad soo saaray bayaan uu ku xaqiijinayo in Trump uu booqasho qarsoodi ah ku tagay wadankaas, lana soo kulmay ciidamada Ameericaanka ah.

Madaxweynaha qaba cudurada dhimirka ku dhaca ee waalida ayaa mudooyinkii u dambeeyay la kulmayay cambaareyn ku aadan in weli uusan booqan ciidamadiisa ka howlgalaya wadamada Muslimiinta, wuxuuna u muuqday in tallaabadan uu kaga jawaabayay eedeymahaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular