HomeAll newsQarax lagu dilay Askar katirsan dowladda Oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Qarax lagu dilay Askar katirsan dowladda Oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha-biyaha duleedka magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsna dowladda federaalka.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nooca Cabdi-bila ah, waxaana burburay gaariga, iyadoona dhimasho iyo dhaawac noqdeen inta badan ciidankii saarnaa.

Ilo xog ogaal ah waxay noo xaqiijiyeen in qaraxa lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamadii saarnaa gaariga, halka kuwa kalana  ay dhaawacmeen.

Ciidamo katirsan dowladda oo goobta soo gaaray ayaa rasaas ku kala eryay dadka ka ag dhowaa nawaaxiga halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoo isku dayay iney qariyaan khasaaraha gaaray ciidamadooda.

Qaraxyada lagu beegsanayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa sii kordhaya, waxaana dhawaan wadada isku xirta Dhanaane iyo Muqdisho qarax ka dhacay lagu dilay taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidamada dowladda Cali dheere iyo ku xigeenkiisii.

Qaraxaas waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta Sheekh Cabdi-caziiz Abuu Muscab uu ku goodiyay iney siii laba jibaari doonaan howlgallada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular