Xillibaano katirsan baarlamaanka dowladda federaalka ayaa mooshin ka gudbiyay madaxweynaha dowladda Maxamad Farmaajo, kaas oo ay usoo jeediyeen eedeymo kala duwan.
Mooshinkan oo ay saxiixeen kudhwaad boqol xillibaan ayaa waxaa loo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Mamaxad Mursal, waxaana lagu wadaa in kala fadhiga koowaad ee golaha loogu codeeyo.
Xillibaanada ayaa Farmaajo ku eedeynaya inuu saxiixay heshiisyo halis ku ah dowladda, kuwaas oo aysan ogeyn baarlamaanka, balse dad siyaasiyiin ah waxay sheegayaan in la isku heysto lacago malaayiin doollar ah oo la lunsaday.
Arintan waxaa aad uga horyimid kuxigeennada Maxamad Mursal, kuwaas oo sharci darro ku tilmaamay in gudoomiyuhu qabto warqadda mooshinka ah ee ay xillibaanadu usoo gudbiyeen.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladan is jiid jiidka ah ee ka dhex taagan dowladda federaalka.